Warshada Daqiiqda | Somaliland

Horumarka Muwaadinka

Kala Soco Halkan

Munaasabado Macluumad ah

  • Hargeysa: Sept.14 Maansoor Hotel @7:30 p.m.Dhamaan Dadweynaha Kasoo Qayb Galay Shukran Dhamaantiin, Idinka awgeed Iyaanu u Qabanay Munaasibadan Daahfurka Ahayd
  • Dubai-Hadii loo baahnaado
  • North America-Hadii loo baahnaado
  • Europe-Hadii loo baahnaado

kaga qaybgal $2500 saamiga, Kusoo bood fursadan muhiimkaa oo kugu soo kordhinaysa ila farabadan oo maalkaaga sare u kiciya iyo shaqaale badan wadanka! Boos sii qabso imika aad hadhow go'aan ka gaadho.

FURSAD IYO FAA'IIDO!

Kusoo dhawow mashruuca Boodhari Mills, warshada Daqiiqda iyo Baadka Xoolaha, kuguna soo kordhinaya ilo faraban oo maal kaaga sare u kiciya, waxtarna u leh mandaqada geeska Afrika. Mashruucani waa fursad maalgashi oo si gaar ah loogu soo bandhigayo qoomiyada Soomaalida.

Saamiga aad kaga qayb qaadan kartaa waa $2500 oo kaliya dolarka maraykanka iyo wiixii ka sarayee.

Mashruucan waxaa laga hirgalinayaa gobolka Saaxil degmada Berbera. Waxaana laga dhisayaa warshad casriya oo soo saarta daqiiqda ama burka.

Warshada daqiida oo yeelandoonta dhismayaal casri ah waxaa loo qorsheeyey in ay sanadkii soo saarto afartan iyo sideed kun oo tan oo daqiiq ah (48, 000 ton ama 960,000 joonyadood / kiish oo daqiiq ah). Suuqa sanadlaha Somaliland ee daqiiqda lagu iibiyo waxa kaga soo hagaagaya boqolkiiba shan iyo labaatan 25%. Bulshada ama macmiilka shirkadani waxay heleyaan daqiiq /bur qiimo jaban oo ka nafaqo wanaagsan noocyada kala duwan ee aad u hooseeya ee maanta laga keeno Asia iyo dalalka kale.

Lacagta sanadwalba ku baxdaa burka soomalida waa sadex boqol iyo lixdan milyan oo doolar, $360 million dollars.

Fursada sidaa u balaadhan yadoo shirkadu uga faa'iidaynayso umada iyaa maalka ku baxaya warshadan casrigaa, waxaa loo qorsheeyey in shirkadu si daahfuran saamiga ugu soo bandhigto qoomiyada Soomaaliyeed.

Horumarka shaqsiga maal gashaduhu iyo ka qaranku mar walba way isku lifaaqanyihiin. Hadaba waxaan idiin soo jeedinaynaa in bulshada ku dhaqan mandaqadani aanay ka maqnaan fursadan qaaliga ah ee waxtarka u leh ummada soomaliyeed.

Mashruucani wuxuu aad faaido balaadhan ugu leeyahay gobolka oo dhan haday noqoto shaqa abuurka iyo horumarka dhaqaale, iyada oo waliba u dheertahay hubinta iyo baadhista heerarka nafaqada daqiiqda/burka noocyadiisa kala duwan. Si kastaba ha ahaatee ilo maal kordhis ah iyay ku gu soo biirin sanadwalba. Waad ogtihiin inay daqiiqdu tahay daruuriga ceeshka nolol malmeedka.

FAA'IIDO RAASAMAAL

Sandaka ugu horeeye raasa maalkaagu wuu kordhayaa boqolkiiba shan iyo sodon 35%, sanadada ka danbeeyana intaa in kabadan. Ha moog'aan!

market graph
VOA Boodhari Waraysi
Gudiga Hantidhowrka

Shirkadu go’aan bay ku fulisay in ladhiso gudiga hanti dhowrka oo ka madax banaan Boodhari Mills. Shirkadu si balaadhan iyay ugu soo bandhigtay gudigan mashruuca waaxyadiisa kal duwan taas oo ay gudigu ku qanceen inay shirkada ku caawiyaan xirfadahooga kala duwan. Gudigan wuxuu kamidyahay qodobada aasaasigaa ee Boodhari Mills

Gudiga Hantidhowrka
Chairman of National Electoral Commission (NEC) Deputy Chairman Dalmar Aviation Former Minister of Information
Eng. Abdiqadir Iman Warsame Munir AbuSita Boobe Yussuf Ducaale
Nagala Soo Xidhiidh:

Suaashu waxa weeye, waa goorma wakhtiga loogu talo galay in warshada la dhiso. Jawaabtu waa bisha june ee 2018, taasi macnaheedu maaha ilaa wakhtigaa ayey shirkadu iibinaysaa saamiyada. Wakhtiga saamiyada bulshada loogu tala galay in laga iibiyo wuu xadidan yahay. Shaqsigii degdeg noola soo xidhiidha ee shuruudaha iibka saamiga buuxiya ayuunbaa boos/saami ka helaya shirkada. Wixii macluumaad gaar ah ee aad u baahato nagala soo xidiidh emailka, ama si toos ah ula xidhiidh wakiilada aanu ku leenahay Somaliland, Somalia, D'jibouti, Europe, Dubai iyo North America.

Waxay Soomali soo socotaba, wakhtiiga isku filaanshaha waa lagaadhay oo wuu joogaa. Si xor iyo xalaala markay ganacsatadu iyo dakdu u wada socdaan waa dhab in lagaadhayo meelsare, waayo labaduba way isku danqabaan. Runtii qurbo jooga America, Europe iyo Canada aad bay ugu riyaaqeen mashruucan in badana way maalgashatay sanadkan imika curtay. Imikana dadweynaha Somaaliyeed ee geeska Africa ku nool ayaa fursad la siinayaa.

market graphHa ilduufin, Hana Mo'gaan! Maal Gashi labaatan kun doolarka maraykankii wuu laba jibaarmayaa sanadka sadexaad!

Qaramada Midoobay iyo Ha’yadaha

Qaramada Midoobay iyo hay'ada kale iyaa u iibiya cunto badan caalamka soo koraya sida Somaliland iyo Somalia. Iyadoo laga hortagayo duruufaha adag ee in dhawaydba kusoo noq noqonaya umada soomaaliyeed ee geeska Africa dagan. Boodhari Mills wuxu ku jiraa liiska qaramada midoobay inay mustaqbalka tahay shirkad ay adeegsan karaan ooy ka iibsan karaan raashin dag dag loo gaadhsiin karo, dadka duruufuhu hayaan, maadaama ay nawaaxiga ka dhawdahay Shirkada Boodhari Mills. Taas oo qaramada midoobay u dhib yaraynaya inay quutal daruuriga sida burka culus, ee nafaqada badan ku jiro si dhakhsaa u gaadhsiiyaan umada soomaaliyeed.

Madaama shirkadu ay tahay mid lagu abuuray darteed horumarka dadka, dalka iyo maal gashadaha oo ka macaasha, waa guul runtii dhinac walba taabanaysa. Boodhari Mills tiiyoo xushmad iyo ixtiraam u haysa walaalaheeda soomaaliyeed, waxay soo saari daqiiqda ugu nadiifsan uguna nafaqabadan oo kawanaagsan waxyaabaha dadka baahan imika loo geeyo.

SUUQA SARREENKA CAALAMKA
Oct. 2017 Qiimaha Daqiiqda: Boodhari iyo. Daqiiqda qalaad
Qiimaha sarreenka + cashuur iyo xamuul Boodhari Daqiiq: Qamadiga + Kharashka Cajiiminta/Ton Jumlada Daqiiqda Qalaad
$195/ton $247-$250/ton $440-$460/ton
Source 2017 Wheat Price: IGC,CBOT
Updated Oct.Local Somaliland Prices: Hargeysa rep. and Warehouses.

Shaxdani xaga sare waxay muujineysa sarreenka qiimihiisa caalamiga oo sanadkan intiisii hore u dhaxeeyay $ 170 iyo $ 180 doolarka maraykanka halka ton, oo nooca ugu wanaagsan jismiga iyo nafaqada ee laga keeno wadamada badda madow. Iyo sidoo kale xamuulka, canshuur dekedda iyo is barbar dhigga jumlada Boodhari iyo daqiiqda qalaad oo wada tartamaya.

Marka la is barabar dhigo boodhari iyo tartanka daqiiqda qalaad waxa kuu muuqanaysa in ay fa’iidada ay helayaan aanay isku mid ahayn oo fa’iidada Boodhaari aad uga sarayso tii yoo waliba jumlad lagu iibanyo ka raqiisan ta burka qalaad. Fa’iidadani waxay kordhinaysaa raasamaalka maal gashadaha shirkada . Oo waliba sidaan hore ugu bayaaminay boqolkiiba shan iyo sodon meesha ugu yar ay noqonayso fa’iidadada sanadlaha.

Taa waxa dheer qamadiga boodhari uu soo dajiyay kana sameeyey daqiida, waa nooca ugu qiima badan aduun waynaha. Burka qalaad runtii waxa ka mida ah qayb hadhaaya oo Africa lagu soo daadiyo oo qiimaha sarreenka laga sameeyay aad u hooseeyo.

Hadhwanaag Waraysi

Qaar ka mid ah dalalka laga soo saaro sareenka iyo shirkadaha ku takhasusay rarrida markabyada sareenka qaada ee u kala goosha aduunwaynaha, ayey shirkada Boodhari Mills xidhiidh ganacsi oo toos ah la leedahay. Sareenka daqiiqda/burka laga samaynaayo oo tayadiisu aad u sarayso waxaa si toos ah laga soo dejinayaa marsada magaalda Berbera. Warshada Boodhari waxay soo saaraysaa daqiiq/bur la mid ah ka laga isticmaalo wadamada hore umaray sida Europe, waqooyiga Ameerika iyo khaliijka.

Ganacsadaha Daqiiqda

Hadaad ka mid tahay bulshada ka ganacsata daqiiqda/burka waxaan kugu soo dhaweynaynaa inaad heli doontid daqiiq/bur kaaga jaban kana nafaqo badan oo waliba leh astaamo aad u wanaagsan oo macmiil kaagu ka heilidoono. Waxaa wali socda diiwaan galinta macmiilka/gancsatada daqiiqda/burka mustqablka warshada. Waxaana loo qorsheeyey in jumlad qiimo dhimis gaara leh lagu siin doono. Si degdeg ah noola soo xidiidh maadaama tirada macmiilka loo qorsheeyey qiimo dhimistu uu ku cayimanyahay tiro go'an.

Shaqa abuur farabadan iyo xirfado kala duwan iyay warhshadu abuuri aaga barbera iyo guud ahaan wadankaba. Konton shaqaale oo kuwa teknikal ka, gaadiika, dilaalada oo badan waa lama huraan. Shaqaalahaa oo qaadan doona mushahar runtii aad uga badan ka wadanka imika shaqaalaha guud la siiyo.

Kharashka Sanadlaha Warshada

Kharashka badankiiso wuuxu ka imanayaa xaga sareenka marka la yidhaa boqolkiiba 80%. Shaqaalaha iyo Gaaska, Nalka oo yaguna noqonaya boqolkiiba labaatan 20%.

annual investment return
Raashinka Xoolaha
feedinganimals

Mashruuca warshada daqiiqda/burka halkaas uun kuma joogo, waxa kale ee warshadani soo saraaysaa 30 ton oo buushiga xoolaha la siiyo maalin walba insha Allah. Sareenku boqolkiiba labaatan 20% waa buushi, halkan xoolo dhaqatada waxaa uga soo kordhaya horumar aad u qiimo badan. Xoolo dhaqatada ama dadka ka ganacsada geela ,adhiga, lo'da iyo digaaga waxay helayaan meel si joogta ah ay uga helaan raashinka/daryeelka xoolaha. Wakhtigan la joogo imika daaq la'aan/abaar ayey xoolihii u leedeen. Maadaama dhaqaalaha qoomiyada soomaaliyeed aad u gu xidhan yahay dhoofinta xoolaha nool, Shirkada Boodhahrimills waxay madanqada ku soo kordhinaysaa raashinka xoolaha lasiiyo oo qiimo aad u jaban lagu siinayo xoolo dhaqadata ama ganacsatada dhoofisa xoolaha. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan raashinka xoolaha hadii aad u baahato nagala soo xidiidh emailka, ama si toos ah ula xidhiidh wakiilada aanu ku leenahay Somaliland, Somalia, D'jibouti, Europe, Dubai iyo North America.

Korontada Qoraxda lightbulb

Deegaanka gobolka Saaxil gaar ahaan degmada Berberi waxay ka mid tahay meelaha ugu qoraxda badan caalamka. Waxaa Berbera lagu qiyaasaa in ay hesho sanadkii 328 maalmood oo qorax ah. Warshada Boodharimills iyadoo ka faaidaysanaysa qoraxadaa dabiiciga ah ee laga dhalin karo korontada, waxaa loo qorsheeyay in korontada warshadu isticmaalayso maalin badhkeed laga soo saaro oo laga faa’idaysto qorxda dabiiciga ah/ Solar Panels, qaybta kalena loo isticmaalo Generators/ mashiino. Qorshahani wuxuu faa’iido aad u wayn u leeyahay macmiilka warshada, waayo wuxuu aad hoos u dhigayaa qiimaha lagu soo saarayo daqiiqda/burka.

Shuruudaha Saamiga/Sheerka

Shirkada Boodhari Group waxay leedahay CEO iyo sarkaal dhaqaale (CFO), maamulka guud (board) iyo kooxda taageeraya fulinta taaktikada shirkada. Erayadan hoos ku qoran waa isku wada mid marka laga dhax helo qodobada 1-5 oo ah shuruudaha saamiga/sheerka ku saabsan, sida;

Shirkada, Boodhari Mills, Boodhari, Boodhari Flour Mills waxa ay dhamaan ku saab sanyihiin mashruucan daqiiqda soo saaraya ee aad maal gashanayso.

1. Maal gashaduhu fursadan wuxuu kaga qaybqaadan karaa ugu yaraan laba kun iyo shan boqol $2500 oo doolarka maraykanka oo goynaya 10 saami/sheer. Halka saami/sheer waa laba boqol iyo konton $250 doolarka maraykanka. Qofku intaa iyo inkabadan wuu iibsan karaa hadii ay awoodiisu karto.

2. Sheerka maal gashaduhu iibsanayo waa nooca loo yaqaan saamiga/sheerka guud ama common shares/ ordinary shares oo xambaarsan qodobadan;

a) Saamigan/sheerkan aad iibsatay ma xambaarsana inaad ka qayb gasho maamulka warshada, talada lagu wadayo shirkada ama codaynta aftida shirkada dhexdiisu ay samayso. Taasi waxay khaas u tahay maamulka guud (board), CEO, iyo sarkaalka dhaqaalaha (CFO) shirkada boodhari mills. Saamileyda waxa matalaya qayb ka mid ah maal gashadayaasha oo ku jira maamulka guud ama board of directors.

b) Raasamaalka iyo faaiidada maal gashaduhu waa inay sanadka ugu horeeya ee warshadu socoto ay shirkadu hayso. Sanadkaa kuma jirto wakhtiga la dhisayo warshada.

c) Maal gashaduhu wuu iibin karaa oo qofkale ku wareejin karaa saamigiisa/sheerka wakhtiguu rabo, macnaheedu waa sanad wax ka yar shirkada wuu kaga bixi karaa hadii qodobkan uu fuliyo maal gashaduhu.

3. Shirkadu waxay umada maal gashatay usoo gudbinaysaa xisaab xidhan sadexdii biloodba mar. Taas oo ku cayiman ama ka kooban sanadkii 4 jeer.

4. Sanad walba markuu dhamaado Boodhari Group wuxuu abaabuli aanu qaban munaasabad u khaasa dadka maalgashaday iyo shaqaalaha warshada. Munaasabadaa waxa lagu soo bandhigayaa wixii qabsoomay sanadkii la soo dhaafay iyo arimaha guud ee mustaqbalka la hirgalinayo si maal gashaduhu faaiido ta ugu wanaagsan u helo, iyadoo umada aan wax cilada lagu keenin xaga sixirka maciishada ooy kamid tahay daqiiqdu.

5. Shirkada boodhari way ogashahay inay shirkad kali soo maal gashato, taasoo loo adeegsanayo shuruudo ka duwan kuwa halkan ku qoran. Macluumaadkani waxay khuseeyaan qofka shaqsi ahaan u maalgashanaya shirkada.

MUHIIM! Sideebaan & halkeebaan ka iibsan karaa saami/sheer?

Talaabada 1: Nala soo xidhiidh adigoo adeegsanaya iimaylka (email) oo ku qeexantahay;

Magacaaga oo sadexan, telefoonkaaga iyo tirada saamiga aad xiisaynayso, ugu yartahay tobon saami. Intaa kabacdi, shirkadu waxay kugu dari liiska maal gashadayaasha.

Hadaad awoodi Karin inaad iimayl soo dirto, nagala soo xidhiidh telefoonkan si aad u fuliso diiwaan gelinta liiska sheerka. Laguuna tilmaamo meesha kuugu dhow, kulana kulmi karto wakiilada hoos ku dhigan.

Talaabada 2: Talaabada 1 kasoo jawaab oo so qor “haa waan ogolahay shuruudahan ama qodobada 1-5” adoo adeegsanaya iimaylka, Uma baahnid inaad soo dirto foomka talaabada koobaad aan kuugo soo dirnay.

SHAHAADADA MAALGASHIGA: Boodhari Mills markay hesho raasamaalkaaga aad ku maal gashatay shirkada, waxay kuu soo diri shahaadad cadaynaysa saamiga aad iibsatay. Taasi ood ku heli doontid email, ama toos aad uuga qaadan karto wakiiladan halka hoose ku qoran.

WAKIILADA BOODHARI MILLS

Somaliland: Abdirahman Nur and Co.

North America: Mustafe Adam, Isaac Maax, Sheik Ciise++++

Europe: Ducaale Osman, Mukhtar Omar++++

Middle East: Sheikh Abdul Fatah

Nala soo xidhiidh hadaad faah faahin intaa kaban aad u baahantahay adigoo adeegsanaya iimayl ama telefoonkan

1-800-714-9315

Mustafa I. Adam: Ext. 101

Abdi Nur: Ext. 102